“War anigu Maahi ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Sigaar caba mana noqon doono kii ugu dambeeyay.”.

mmmmmm

(Europe) 04 Sebt 2017. Daafacii hore ee Barcelona Jeremy Mathieu ayaa qiray inuu Sigaar cab yahay isla markaana weeraray saxaafada dalka Spain.

“Waxaan ahay qof had iyo jeer runta sheega, dhibaatana kuma qabo midaa. Ma ihi ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Sigaar caba mana noqon doono kii ugu dambeeyay,” Mathieu ayaa sidaa yiri.

“Laakiin marka ay taageerayaashu igu daawadaan garoonka way igu faraxsan yihiin. Taas ayaana muhiim ii ah aniga.

“Dadku waxay doonaan way aaminsanaan karaan, dhib kuma qabo. Arrinku wuxuu yahay sida aan garoonka ugu ciyaaro iyo sida aan u matalo kooxdeeda, mana jirto qof ka cabaneysa midaa.

Daaficii hore ee Barca ee iminka ku biiray Lisbon ayaa sidoo kale weeraray saxaafada Spain:

Halkan Lisbon madaxeyga wuu dagan yahay, maka jiro cadaadiska Spain oo kale, way jiraan waxyaabo lagaa dalbayo balse maahan sida Barcelona oo kale. Sidoo kale si ka duwan ayaa halkan lagula dhaqmayaa.

“Saxaafadda Spain cadaadis badan ayay ina saartaa marka aan ciyaar xun yeelano. Way adag tahay in la maamul waqtiyadaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close