Waabari oo markii saddexaad oo xiriir ah iska xaadirsay Finalka tartanka k/cagta degmooyinka gobolka Banaadir

IMG_6868

(Muqdisho) 04 Sep 2017 Degmada Waabari ayaa iska xaadirisay Finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir,kaddib guul ay ka gaartay dhiggeeda Hilliwaa.

Waabari oo qaab ciyaareed wanaagsan ugu soo baxday heerka guruubyada ayaa 2-1 ku dhaaftay degmada Hilliwaa oo kullan xiiso badan ku wajahday garoonka Banaadir.

Degmada Wabari ayaa koobakaan laga qaaday 29-kii Agoosto 2014 iyo 28-kii Agoosto 2015,xilligaas oo ay siyaabooyin kala duwan ugu badiyeen Xamar Weyne iyo Boondheer.

Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo ay Wabari soo tiigsato kama dambeysta tartankaan,waxaana sanadkaan ay dooneysaa in ay ku guuleysato.

IMG_6992IMG_6951IMG_6932IMG_6907

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close