Ousmane Dembele oo sheegay in Mbappe uu ku gacansiiyay ku biirida Barcelona

Image result for Dembele and Mbappe

(Barcelona) 04 Sep 2017 Da’yarka weerarka uga ciyaara Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa ka hadlay sidii Mbappe uu ugu lug lahaa ku biiridiisa Barca.

Dembele ayaa sheegay in Mbappe uu si joogto ah niyada ugu dajin jiray tan iyo markii uu ka carooday kooxdiisa ilaa uu uga biiray Barcelona.

20 jirka reer France oo la hadlay Mundo Deportivo ayaa yiri:

Image result for Dembele and Mbappe

“Dhabtii Mbappe waa saaxiib wanaagsan, taleefan ayaan inbadan kuwada hadalnay, aad ayuuna iigu faraxsanaa”.

“Mbappe aad ayuu ii caawiyay, wuxuu isku dayi jiray inuu i dajiyo intii arinku uu cakirnaa, wuxuu ii sheegay in waxa dhacaya ay yihiin wax ku xiran waqti uun, waxaan rajaynayay in la dhameeyo heshiiskeyga waqtiga ugu dhaqsiyaha badan”.

“Mbappe aad ayuu iigu faraxsanaa markii aan u saxiixay Barcelona, wuu ii hambalyeeyay wuxuuna ii rajeeyay wanaag, ana sidoo kale ayaan u rajaynayaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close