“Messi ayaa sabab u ahaa in Neymar uu ka tago Barcelona” – Pele

Image result for Pele and neymar

(Barcelona) 04 Seb 2017 Halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa ka hadlay ka tagistii Neymar uu ka tagay kooxda reer Spain ee Barcelona.

Pele ayaa soo dhaweeyay tilaabadii uu qaaday Neymar kaas oo xaggaagii u dhaqaaqay kooxda PSG ee dalka France.

Messi Neymar

76 jirka reer Brazil ayaa rumaysan in Messi uu ku qasbay Neymar inuu ka tago Barcelona, wuxuuna intaa ku daray in haatan uu fursad u haysto inuu soo bandhigo wax tarkiisa dhabta ah.

“Waxaan rumaysanahay in bixitaankiisu uu ahaa arin aad isaga ugu fiican waayo Barcelona wuxuu tartan adag kala kulmayay Messi” ayuu yiri Pele.

“Waajib ayeey ahayd inuu ka tago Barcelona, haatan wuxuu awoodaa inuu soo bandhigo wax tarkiisa, ku biirida PSG waxay isaga u tahay fursad fiican” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close