Ma ogtahay in Milan taariikh caalami ah dhigtay

RankingMilanSignings

(Milan) 04 Sebt 2017. Milan 17 ka mida xiddigeheeda waxa ay ku kala maqan yihiin xulalkooda taas oo la warinayo in ay taariikh cusub tahay.

Sida laga soo xiganayo Calciomercato, tani waa calaamad muujineysa heer sare, tayo iyo maqaam caalami ah –  waa mid Milan u sahashay saxiixyadii xagaagan.

Website-ku waxa uu aaminsan yahay in fasaxan uu u ogolaaday ciyaaryahanada Rossoneri in ay goolal soo dhaliyaan oo helaan kalsooni.”

Andre Silva iyo Ricardo Rodriguez waxa ay soo taabteen shabaqada axadii.

Taas waxaa dheer in Lucas Biglia uu daqiiqadihiisii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan dheelay isaga oo ka horymi xulka Uruguay.

 

Ciyaaryahanada Milan ee waajibaayada Qaran ku maqan: Gianluigi Donnarumma, Leonardo Bonucci, Andrea Conti, Riccardo Montolivo (Italy), Suso (Spain), Manuel Locatelli, Davide Calabria, Patrick Cutrone (Italy Under 21), Matteo Gabbia (Italy Under 19), Andre Silva (Portugal), Cristian Zapata (Colombia), Ricardo Rodriguez (Switzerland), Hakan Calhanoglu (Turkey), Franck Kessi (Ivory Coast), Nikola Kalinic (Croatia), Lucas Biglia (Argentina), Gustavo Gomez (Paraguay)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close