Kylian Mbappe oo markii ugu horaysay soo booqday xarunta tababarka PSG +SAWIRRO

(Paris) 04 Sep 2017 Weerar yahanka cusub ee kooxda PSG Kylian Mbappe ayaa markii ugu horaysay booqasho ku yimid xarunta tababarka ee kooxdiisa.

Kylian Mbappe ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu wareegay kooxda PSG, kooxda caasimada ayaana ku iibsanaysa 180 milyan oo euro marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah.

18 jirka reer France ayaa galabta soo booqday xarunta tababarka ee PSG, waxaana xusid mudan in dib loo dhigay waqtigii la qorsheeyay in loo soo bandhigo saxaafada.

Warar laga helayo gudaha PSG ayaa sheegaya in kooxdu ay qorshaynayso inay saxaafada u soo bandhigto Kylian Mbappe maalinta arbacada ee nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close