Juventus oo damacsan soo xerogalinta Andres Iniesta

Andres Iniesta

(Torino) 04 Sep 2017 Kooxda reer talyaani ee Juventus ayaa qorshaynaysa inay qaab bilaash ah ku hesho kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta.

Qandaraaska laacibka reer Spain ee Barcelona ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana aad u adag inuu ka sii mid ahaado safka joogtada ah ee Barca sida la saadaaliyay.

iniesta

TuttuSport ayaa daaha ka qaaday in maamulka Juventus ay ku fikirayaan inay bilaash ku soo qaataan Andres Iniesta marka uu dhamaysto qandaraaskiisa Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kan.

Juventus ayaana damacsan inay samayso si lamid ah 2011, markaas oo ay ka soo qaadatay AC.Milan laacibkoodii Andrea Pirlo kaas oo dhamaystay qandaraaskiisa, balse wacdaro ku soo bandhigay kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close