Thomas Lemar oo rumaysan inuu qaatay go’aankii ugu fiicnaa xirfadiisa kadib markii uu diiday ku biirida Arsenal iyo Liverpool

(Monaco) 03 Sep 2017 Thomas Lemar ayaa ka hadlay dalabyadii u yimid suuqii soo xirmay, wuxuuna sheegay inuu qaatay go’aankii u fiicnaa xirfadiisa.

Laacibka reer France ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo kooxda Monaco isaga oo dalabyo ka helay kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Barcelona.

Lemar

21 jirkaan ayaa iska diiday dalabkii ugu waynaa oo uga yimid Arsenal maalintii ugu danbeeysay suuqa kala iibsiga, markaas oo kooxda tababare Wenger ay ku soo dalbatay lacag dhan 100 milyan oo euro.

“Waxaan iska diiday dhamaan dalabyadii ii yimid, waxaanan doorbiday inaan iska sii joogo Monaco” ayuu u sheegay Telefoot.

“Waxaan u arkaa inaan qaatay go’aankii u wanaagsanaa xirfadayda” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close