Ronaldo oo sabab u noqday in Angel Di Maria uusan ku biirin Barcelona

Image result for Ronaldo y Di Maria

(Madrid) 03 Sep 2017 Laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sabab u noqday in Angel Di Maria uusan ku biirin Barcelona suuqii xaggaaga.

Barcelona ayaa ka gudbisay Angel Di Maria ilaa 3-dalab oo kala duwan, kii ugu danbeeyay ayaana ahaa 40 milya oo euro.

Angel Di Maria

Laakiin shabakada Don Balon ee dalka Spain ayaa baahisay in Ronaldo uu ku lug lahaa in Barcelona ay ku fashilanto dhamaystirka saxiixa Angel Di Maria.

Waxaana la sheegay in Ronaldo oo fariimo badan u diray saaxiibkiis Angel Di Maria, wuxuuna ka codsaday inuusan ku biirin Barcelona wax walba oo loo soo bandhigo.

Laacibka reer Argentina ayaana ixtiraam u muujiyay Ronaldo, wuxuuna si diiran u qaatay taladii uga timid Ronaldo oo haatan halyeey ka ah Real Madrid.

Angel Di Maria ayaana ku biiray liiska citaartoydii ay ku fashilantay Barcelona inay soo xerogaliso suuqii xaggaaga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close