Roma oo heshiis cusub ka saxiixaysa Kostas Manolas

Manolas

(Roma) 03 Sep 2017 Kooxda Roma ayaa doonaysa inay ilaashato daafaceeda Kostas Manolas kaas oo diirada u saaran kooxo badan oo ka dhisan yurub.

Corriere dello Sport ayaa baahisay in wakiilka Kostas Manolas uu go’aansaday inuu la fariisto agaasimaha ciyaaraha ee Roma si loo go’aamiyo mustaqbalka laacibka.

Image result for Kostas Manolas

Juventus, Zenit, Chelsea iyo Inter Milan ayaa suuqii xaggaaa isku dayay saxiixa Kostas Manolas, laakiin Roma ayaa doonaysa inay ka saxiixdo heshiis cusub si ay uga hor istaagto dhamaan kooxahaas.

Kostas Manolas ayaa ku sigtay dhawr jeer inuu ka tago kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga laakiin aad ayeey u adagtahay in Roma ay si fudud ku fasaxdo daafaceeda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close