“Markale ayaan isku dayi doonaa saxiixa Thomas Lemar” – Arsene Wenger

(London) 03 Sep 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay sida uu ula dhacsanyahay qaab ciyaareedka laacibka Monaco ee Thomas Lemar.

Arsenal ayaa ku dalbatay Lemar aduun dhan 100 milyan oo euro maalintii ugu danbaysa suuqa kala iibsiga, laakiin laacibka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Lemar

Gunners ayaa loolan adag kala kulmaysa Liverpool oo dhankeeda doonaysa dhamaystirka saxiixa laacibka reer France.

Laakiin tababare Wenger ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay markale isku dayi doonto soo xerogalinta 21 jirka reer France.

“Lemar? Haa, waa sax inaan ku dalbanay 100 milyan oo euro, laakiin wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Monaco” ayuu u sheegay Wenger TV-ga Telefoot oo u dabaal dagayay 40-sano guuradiisa..

“Markale ayaan isku dayi doonaa saxiixiisa, isma dhiibi doono” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close