Kylian Mbappe oo sharaxaad ka bixiyay sababtii uu ugu biiray PSG

(Paris) 03 Sep 2017 Weerar yahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay sababtii uu ugu biiray kooxda PSG.

Kylian Mbappe ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu wareegay kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska, isaga oo iska diiday kooxo ay kamidtahay Real Madrid.

18 jirka reer France ayaa sheegay inuu ugu biiray PSG si uu ugula guulaysto wax walba iyo inuu taariikh ku sameeyo isaga oo ka shaqaynaya sidii uu ugu hogaamin lahaa ku guulaysiga Champions League.

“Waxaan ugu biiray PSG si aan ugu guulaysto wax walba isla markaana aan u sameeyo taariikh” ayuu u sheegay Telefoot.

“Marka aad ku soo biirto koox sidaan oo kale ah, waxaad ku dadaalaysaa sidii aad u noqon lahayd kan ugu fiican aduunka, waxaad  leedahay hami ah inaad ku guulaysato koobabka oo dhan gaar ahaan Champions league”.

Mbappe oo sheegay in Neymar uu qayb ka ahaa ku biiridiisa PSG ayaa yiri:

“Dhamaanteen waan garanaynaa qiimaha Neymar, tan iyo bilowgii ayaan jeclaa ku biirida PSG laakiin joogitaanka laacibka reer Brazil qayb xoog leh ayuu ka qaatay ku biiridayda PSG”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close