Kylian Hazard oo ka hor istaagi kara walaalkiis Eden Hazard ku biirida Real Madrid

Image result for Kylian hazard

(London) 03 Sep 2017 Chelsea ayaa la wareegtay da’yar la dhashay laacibkooda Eden Hazard kaas oo lagu magacaabo Kylian Hazard.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu ku jiro sanadkiisii ugu danbeeyay ee Real Madrid halka Benzema iyo Bale aan la hubin mustaqbalkooda kooxda reer Spain.

hazard-1-650x433

Real Madrid ayaana awoodeeda isugu geynaysa sidii ay ku heli lahayd laacibka Chelsea ee Eden Hazard laakiin walaalkiis ayaa lagayaabaa inuu ka hor istaago ka tagida Blues.

Eden Hazard ayaa la filayaa inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea kadib markii kooxdu ay la soo saxiixatay Kylian Hazard oo ah walaalkiis ka yar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in joogitaanka walaalkiis Kylian Hazard ay ka caawinayso Eden inuu ogolaado sii joogida galbeedka London taas oo soo gabagabaynaysa rajadii Real ay ka lahayd saxiixa laacibka reer Belgium.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close