Klopp oo markii ugu horaysay ka hadlay sii joogida Philippe Coutinho

(Liverpool) 03 Sep 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sii joogidii Philippe Coutinho.
Barcelona ayaa dhawr mar isku dayday suuqii xaggaaga inay la wareegto Philippe Coutinho laakiin Liverpool ayaa is hortaagtay.
Tababaraha reer Jarmal oo markii ugu horaysay ka hadlay sii joogida Coutinho ayaa sheegay in haatan uu haysto laacib wayn oo kamid ah kooxdiisa.
Jurgen Klopp oo la hadlay TV Sport 1 ee Jarmalka ayaa la waydiiyay sii joogida Philippe Coutinho, wuxuuna ku jawaabay:
“Haatan laacib wayn ayaa kamid ah kooxdeena”.
Gool FM