Jack Wilshere oo iska diiday heshiis wayn oo uu ku qaadan lahaa mushaar badan

Wilshere

(London) 03 Sep 2017 Jack Wilshere ayaa iska diiday heshiis wayn oo uu ugu biiri lahaa kooxda heerka labaad ee Birmingham City.

Mirror ayaa ogaatay in Birmingham City ay u soo bandhigtay Wilshere heshiis uu isbuucii ku qaadan lahaa 90 kun oo Ginni, laakiin laacibka ayaa diiday inuu katago Arsenal.

Wilshere ayaa diiday inuu katago Premier League si uu uga ciyaaro horyaalka heerka labaad, wuxuuna taas ka doorbiday inuu u dagaalamo booskiisa Arsenal.

25 jirka reer ingiriis ayaa dib uga soo laabtay amaah hal xiliciyaareed ahayd oo uu ku qaatay Bournemouth xiliciyaareedkii hore.

Tababare Wenger ayaana u balan qaaday inuu kooxda boos ka heli karo kulamada FA Cup-ka iyo Europa League ee xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close