“Isagoo ah tababaraha xulka England ayuu taageerayay Talyaaniga.”. Rooney oo cambaareeyay Fabio Capello

cap

(Europe) 03 Agoosto 2017. Kabtankii hore ee xulka Qaranka Ingiriiska balse iminka isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee Wayne Rooney oo u sheekaynayay TalkSPORT ayaa daaha ka rogay arrin yaab leh.

Laacibkii hore ee Man United ayaa farta ku fiiqay in laga fiicnaa in Fabio Capello loo magacaabo tababaraha xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax.

Macallinka reer Talyaani ayaa soo leyliyay Ingiriiska sanadihii u dhexeeyay 2008 ilaa 2012.

31 jirka weerarka kaga ciyaara Everton ayaa sidan ku bilaabay sheekadiisa:

Wayne Rooney reckons Fabio Capello was not the right fit for England

“Sida cad. Luqadiisa Ingiriiska ma fiicneyd wuxuuna keensaday shaqaalo dhammaan Talyaani ah.

“Waan xusuustaa koobkii adduunka ee lagu qabtay South Africa, Fabio Capello iyo tababarayaashiisa waxay daawanayeen Talyaaniga oo ciyaaraya way bood boodayeen wayna sacbo tumayeen markii uu Talyaanigu gool dhaliyay.

“Wuxuu halkaa u joogay sida tababaraha xulka England, mana aaminsani inay saxnaayeen wixii uu sameeyay.’.

Wayne Rooney waa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka Ingiriiska 53-gool ayuu dhaliyay 119 kulan uu ka soo muuqday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close