Antonio Conte oo la ogaaday laba saxiix oo uu ka hor istaagay kooxda Chelsea

conte

(London) 03 Sep 2017 Tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte ayaa is hortaagay in kooxdiisu ay dhamaystirto laba saxiix oo wayn suuqii soo xirmay.

Chelsea ayaa ku fashilantay dhamaystirka dhawr saxiix suuqii soo xirmay, laakiin waxaa la ogaaday in tababare Conte uu ku lug lahaa fashilka labo kamid ah.

Image result for ross barkley and Chamberlain

The Times ayaa daaha ka qaaday in Antonio Conte oo hor istaagay in kooxdiisu ay dhamaystirto saxiixyada Alex Oxlade-Chamberlain iyo Ross Barkley.

Tababare Conte wax shaqo ah kuma lahayn wadahadaladii Blues ay ku doonaysay Ross Barkley, laacibka ayaana go’aansaday inuusan ku biirin Chelsea maadama uusan soo dalban tababaraha kooxda, heshiiska ayaana sidaas ku burburay.

Dhanka kale, Chelsea ayaa kala heshiisay Arsenal qiimaha Chamberlain laakiin tababare Conte ayaa u sheegay laacibka reer ingiriis in Chelsea ay u soo iibsanayso inuu ka ciyaaro booska garbaha daafaca.

Chamberlain oo doonayay inuu ka ciyaaro qadka dhexe ayaana diiday sida uu wax u rabo tababare Conte, taas oo keentay inuu u dhaqaaqo Liverpool oo u soo bandhigtay inuu ka ciyaarayo booska uu ugu jecelyahay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close