WELI MA DHAMAAN: Kooxda AC Milan oo durba sii ishaaratay laacibiinta ay doonayso bisha Jannaayo + Sawirro

(Milano) 02 Sebt 2017 – Kooxda AC Milan ayaa xagaagan wacdaro ka dhigtay suuqa kala iibsiga oo ay marti ka ahayd sanadihii yaraa ee ugu dambeeyay, iyadoo lasoo wareegtey 11 laacib oo cusub.

Yeelkeede, kaddib markii uu xirmey suuq-xagaaga oo dorraad albaabada loo laabay, waxaa la sheegayaa in maareeyaha isboortiga ee Milan jaalle Max Mirabelli uu durba u qalab qaatay suuq-jiilaalka oo uu dhowr laacib oo kale doonayo.

Milan ayaa la sheegayaa in marka la gaaro bisha Jannaayo 2018 ay doonayso laacibiin da’yar oo ay qaarkood aad u da’ yar yihiin, kuwaasoo ka dheela Serie A iyo horyaallada kaleba, shaqaduna durba waa socotaa.

Hoos ka eeg laacibiinta ay doonayso qaarkood:

b8

ANWAR EL GHAZI (1995, Ajax) – Weerar

b4

PIETRO PELLEGRI (2001, Genoa) – Weerar

b6

MATTEO POLITANO (1993, Sassuolo) – Garab weerar

b7

EDDY SALCEDO (2001, Genoa) – Weerar

b3

FEDERICO DI FRANCESCO (1994, Bologna) – Garab weerar

b2

ALFRED DUNCAN (1993, Sassuolo) – Khad dhexe

b

JAKUB JANKTO (1996, Udinese) – Khad dhexe

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close