SPAIN VS ITALY: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Madrid) 02 Sebt 2017 – Waxaa caawa kulan ka tirsan isreeb-reebka KA2018 ku faltamaya xulalka waawayn ee Spain vs Italy oo caawa ku ciyaaraya magaalada Madrid ee dalkaasi Spain.

Gegada Stadio Bernabeu, waa masrax micne taariikhi ah u leh xulka Azzurri waayo waa garoonkii ay ku qaadeen Koobka Adduunka 1982, iyagoo caawana doonaya inay natiijo micne leh kala yimaaddaan si ay tillaabo kale ugu qaadaan dhanka Russia 2018.

Dhanka Spain: Xulka La Furia Roja ayaa dheelaya shaxda 4-3-3 iyadoo ay daafaca u jiraan 4 laacib oo ay min laba ku leeyihiin Real iyo Barca, weerarku waa David Silva oo qaranka kusoo laabtay, Asensio iyo Isco.

Dhanka Italy: Xulka Azzurri ayaa dheelaya shax cajiib ah oo uu dhaqan geliyay Ventura oo ah 4-2-4, taasoo ka dhigan weerar 4 ah, waxaana tarabuunka la saaray Montolivo, waxaa kaloo dhaawac ku baxay Chiellini, iyadoo ay dhexda joogaan De Rossi iyo Verratti oo qura, kuwaasoo kaalmo ka raba Candreva iyo Insigne.

SHAXAHA LAGA YAABO:

SPAIN (4-3-3): De Gea; Carvajal, Piqué, Sergio Ramos, Jordi Alba; Koke, Busquets, Iniesta; David Silva, Asensio, Isco.

ITALY (4-2-4): Buffon; Darmian, Barzagli, Bonucci, Spinazzola; De Rossi, Verratti; Candreva, Belotti, Immobile, Insignia.

KAYDKA

  • REINA, BARTRA, NACHO, ISCO, SUSO, VILLA, ASENSIO
  • DONNARUMMA, ASTORI, RUGANI, CONTI, PAROLO, BERNARDESCHI, EDER

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close