Sababta uu u bur-buray heshiiskii uu Coutinho ugu biiri lahaa Barcelona oo la ogaaday

cu

(Europe) 02 Sebt 2017. Barcelona ayaa cidiyaha ku dagaalameysay sidii ay u heli lahayd Coutinho isla markaana badel ugu dhigi lahayd Neymar inta uusan xalay xirmin suuqa Spain.

Agaasimaha ciyaaraha ee Barca Albert Soler ayaa daaha ka rogay in Liverpool ay maalinkii ugu dambeysay ee suuqa soo dalabtay adduun dhan 183 milyan oo euro oo u dhiganta 200 oo milyan si ay uga iibiso Coutinho.

“Liverpool waxay maalinkii ugu dambeeyay suuqa inoo soo gudbisay dalab 200 milyan oo euro, waana sababta aan u go’aansanay inaan soo afjarno xiisanheena Coutinho,” Soler ayaa sidaa yiri.

Barcelona reveal how much Liverpool demanded for Philippe Coutinho on deadline day

“Kooxda ama Madaxwaynaha midkoodba halis ma galin doono dhaxaltooyada naadiga, marka aad suuqa la soo aado lacago badan. Codsiyada naloo soo gudbinaya waxay ahaayeen kuwa aad u sareeya.”.

Barcelona ayaa la xusuustaa inay lacagihii ugu badnaa ebid suuqa kala iibsiga PSG uga iibsatay Neymar 222 milyan oo euro balse qalad wayn u aragta inay 200 milyan ku soo iibsato Coutinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close