”Kulanka Spain vs Italy waa midka haatan adduunka ugu xiise badan” – Sergio Ramos

(Madrid) 02 Sebt 2017 – Sergio Ramos ayaa hoosta ka xarriiqay in kulanka “Spain-Italy uu yahay midka ugu qurxoon oo uu adduunku TV-yada ka daawan karo, isla markaana uu qof kastaahi ka sheekeeynayo.”

Labada xul ayaa caawa fiidkii ku ballansan gegada Bernabeu ee magaalada Madrid iyagoo isla hoggaaminaya guruubkooda isreeb-reebka KA2018.

“Spain-Italy waa kulanka ugu qurxoon caalamka ee aad TV ka daawan karto, qof kastana wuu ka hadlayaa,” ayuu daafaca reer Spain u sheegay Ansa.

Kabtanka Real Madrid ee Ramos ayaa isagu xaafaddiisa jooga caawa, balse waxaa jira walaac ku saabsan inay taageerayaasha maxalliga ihi ay ku orriyaan daafaca Barcelona ee Gerard Pique.

“Waxaan leennahay garoon cajiib ah, waxaana hubaa inay taageerayaashu noqon doonaan ninka 12aad ee garoonka.” ayuu kusoo afjaray Ramos.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close