Boqor Pele oo Hambalyo u soo diray Ronaldo

crr

(Europe) 02 Sebt 2017.  Saddexleydii uu Cristiano Ronaldo khamiistii ka dhaliyay xulka Faroe Islands ayaa ka dhigan inuu ka sara maray rugcadaaga kubbada cagta ee Pele goolasha caalamiga 77-gool.

Kabtanka Portugal ayaa iminka xulkiisa u dhaliyay 78 gool taa oo ka yeelaysa inuu soo galo 5-ta sare ee ugu goolasha badan ebid kulamada caalamiga ah isla markaana uu ka sara maro mid ka mid ah halyeeyada ugu caansan kubbada cagta.

“Hambalyo Cristiano Ronaldo inaad ka mid noqotay 5-ta ugu goolasha badan kulamada caalamiga.” Pele ayaa sidaa ku soo qoray Baraha Blushada isagoona raaciyay “Bravo.”.

EEG Liiska xiddigaha ugu goolasha badan kulamada caalamiga ama xulalkooda:

109 – Ali Daei (Iran)

84 – Ferenc Puskás (Hungary)

80* – Kunishige Kamamoto (Japan)

79 – Godfrey Chitalu (Zambia)

78 – Cristiano Ronaldo (Portugal)

77 – Pelé (Brazil)

75 – Bashar Abdullah (Kuwait)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close