Taageerayaasha Arsenal oo aad u faraxsan kaddib Wenger oo lagu arkay Faransiiska

we

(Paris) 31 Agoosto 2017. Taageerayaasha Arsenal ayaa aad u faraxsan kaddib markii tababarahooda Arsene Wenger lagu arkay magaalada Paris ee dalka Faransiiska iyagoo iska dhaa dhiciyay inuu soo dhammeynayo saxiixa Thomas Lemar.

Gunners ayaa waysay xiddigeeda Oxlade-Chamberlain kaa oo 40 milyan ugu biiray Liverpool waxayna suuqa ugu jiraan si xoogan sidii ay u heli lahaayeen badelkiisa.

Madaxda Gunners ayaa saakay la wariyay inay wada hadalo la fureen kooxda PSG arrinka ku aadan Julian Draxler.

paris

Laakiin Wenger uma muuqdo inuu sidaa darteed u joogo Faransiiska oo Draxler maba joogo Paris oo wuxuu ku maqan yahay xulka qarankiisa Jarmalka.

Taa oo la micno ah inay suuro gal tahay inuu meesha u joogo Tomas Lemar ee u safta Monaco isla markaana qeyb ka ah xulka Faransiiska ee caawa wajahay Netherlands  isreeb reebka koobka adduunka.

Laakiin Wenger ayaa la arkaa in sida dhabta ah uu halkaa u joogo inuu falan qeeyo kulanka Holland iyo Faransiiska maadaama uu badanaa halkaa u tago howlahaas uu u qabto Taleefishin laga leeyahay dalkaasi Faransiiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close