RASMI: M’Baye Niang oo ku biiray kooxda FC Torino + Sawirro

(Torino) 31 Agoosto 2017 – Kooxda Torino ayaa si rasmi ah u shaacisay inay lasoo saxiixatay garab-weerarkii AC Milan ee M’Baye Niang, oo ay kusoo qaateen amaah ay waajib tahay inay iibsadaan.

Wiilkan French-ga ah ayaa bilowgii xagaagan loo sheegay inuu dheeraad ku yahay qorshaha Milan, balse wuxuu diidey inuu San Siro ka aado Watford oo uu si rigli ah ugu biiri karey kaddib nus-ciyaareed amaah ah.

Wuxuu deeto dhowaan maamulka Rossoneri uga caraysiiyay diidmada heshiis qaali ahaa oo uu ku aadi karey Spartak Moscow, maaddaama uu sheegay inuu doonayo la midowga macallin Sinisa Mihajlovic.

Waxaa markii hore loo badinayay in uu burburay heshiis uu ku tago Granata, balse haatan wuxuu kula biiray heshiis ku kacaya €20m, isagoo laftiisu sheegay inuu faraxsan yahay.

j j1 j2 j3 j4 j5 j6 j7 j8 j9 j10 j11 j12 j13

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close