RASMI: Bartilmaameedkii Chelsea Fernando Llorente oo ku biiray Tottenham

(London) 31 Agoosto 2017. Fernando Llorente ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu biiray kooxda Tottenham.
Spurs ayaa xaqiijisay inay kula soo wareegtay adduun dhan 15 milyan oo bound iyadoo ka soo iibsatay naadiga Swansea City.
Macallinka Chelsea ee Antonio Conte ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ka dhiganayay joog dheerahan balse ku hungoobay.
Chamberlain iyo Ross Barkley ayaa ah saxiixyo kale ay Chelsea jilbaha u jabsatay balse ku jabtay oo midkood soo xero galin waysay.
It’s done! ✅ 👍🏼 #WelcomeFernando pic.twitter.com/sHRihm11n1
— Tottenham Hotspur (@SpursOfficial) 31 August 2017
Gool FM.