Monaco oo ugu danbayntii diiday in Liverpool ay ka iibiso Thomas Lemar

(Monaco) 31 Agoosto 2017 Kooxda Monaco ayaa soo diiday dalabkii uga yimid Liverpool oo doonaysa laacibkooda Thomas Lemar.

France Football ayaa baahisay in Monaco ay go’aansatay inaysan Liverpool ka iibin Thomas Lemar suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Lemar

Liverpool ayaa hordhigtay Monaco lacag dhan 80 milyan oo euro oo lagu daray Origi oo amaah hal xiliciyaareed ah ugu wareegaya Monaco, laakiin kooxda reer France ayaa soo diiday dalabkaas.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Monaco ay ka fiirsan doonto iibka Thomas Lemar haddii loo soo gudbiyo dalab gaaraya 100 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close