Chelsea oo Jab kale kala kulantay suuqa

fer

(London) 31 Agoosto 2017. Chelsea ayaa jabkii labaad kala kulmeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaddib markii laga dul qaaday Alex Oxlade-Chamberlain.

Arsenal iyo Blues ayaa ku heshiiyay qiimaha xiddiga reer England balse laacibka ayaa door biday Liverpool maadaama ay ka ciyaarsiineyso boos uu jecel yahay sidaana ugu biiray.

Chelsea oo jiradaa ka soo kaban ayaa mid kale iminka la kulmeysa kaddib markii bartilmaameedka koowaad ee Antonio Conte lagu soo sawiray isagoo xiran maaliyada Tottenham.

Wiilka la dhashay dhaliyaha jooga dheer ee Fernando Llorente ayaa baraha bulshada ku shaaciyay walaalkii oo xiran maaliyada Sprus.

Tottenham ayaa lagu wadaa inay goor dhow ku dhawaaqdo saxiixa LIorente.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close