Barcelona oo saxiixda Coutinho ku dhawaaqi karta goor dhow

cou

(Europe) 31 Agoosto 2017. Liverpool ayaa la warinayaa inay ugu dambeyn aqbashay dalab ku kacaya 138 milyan oo bound oo kaga yimid Barcelona kaa oo looga doonayo kubbad qaabeeye Philippe Coutinho.

Barcelona ayaa la filayaa inay saxiixa xiddiga reer Brazil ku dhawaaqdo caawa fiidkii hore.

Liverpool ayaa cidiyaha ku dagaalantay sidii ay u xafidan lahayd Coutinho balse waxay iminka u muuqataa in dagaalka looga adkaaday.

Liverpool fans may have seen the last of Philippe Coutinho in a red shirt

Barcelona ayaa iyana u muuqata inay ugu dambeyn gacanta ku dhigtay xiddiga ay suuqa xagaaga dhan daba ordeysa kaddib dalabkeedii afaraad oo ku kacaya 138 milyan oo bound.

Coutinho oo aad u doonayay ku biirista Barelona ayaa xitaa la sheegay inuu fara galin lahaa arrinkan isla markaana ku qasbi lahaa Liverpool inay fasaxdo haddii la soo celin lahaa dalabka afaraad.

Balse laacibka reer Brazil ayaa u muuqda inay u rumowday riyadiisa kaddib afar sano iyo bar uu ku soo qaatay gegada Anfield.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close