Wakiilada Messi oo khadka teleefoonka ka wacay Barcelona kuna xiray shuruud adag

FBL-ESP-SUPERCUP-REALMADRID-BARCELONA

(Catalonia) 30 Agoosto 2017. Wakiilaada Lionel Messi waxa ay khadka Telefoonka uga sheegeen Barcelona in uu wali ka tagi karo haddii aan la dhammeyn dhawr saxiixyo oo cayiman.

Messi waxa uu hore u ogolaadan in uu qandaraas cusub qallinka ugu duugo Barcelona balse wali wuu ka caga jiidayaa.

Sida laga soo xiganayo majaladda ka soo baxda Spain ee Diario Gol waxa ay qabaa marka laga yimaado in Messi afka ka ogolaaday saxiixa heshiis cusub in hadana uu soo gaba gabeyn karo waayihiisa Camp Nou.

Barcelona waxaa soo maray xagaaga adag iyada oo Neymar ku weyday Paris Saint-Germain halka ay soo qaadatay Dembele oo uga yimi Borussia Dortmund.

Messi waa la fahasan yahay in uu ka xanaaqsan yahay sida wax u dheceen.

Wakiilada Messi waxa ay la hadleen Barcelona iyaga oo ku wargaliyey baahidda loo qabo saxiixa Angel di Maria.

Messi iyo Di Maria waxa ay ka wada tirsanyihiin Argentia waxa uuna qabaa in saxiixiisa yahay mid ku haboon Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close