Talyaaniga oo qarka u saaran inuu Ingiriiska kala boxo kaalinta 3-aad (Qiimaynta UEFA)

(Roma) 30 Agoosto 2017 – Guulihii kooxaha AC Milan iyo SSC Napoli ee kulamada hordhaca ah ee Europa League iyo Champions League ayaa sare u dhigtay heerka dalka Talyaaniga oo haatan kaalinta 3-aad oo uu Ingiriisku ku jiro ay ka xigto 1.511 dhibcood oo qura.

Arrintan ayaa muhim ah, waayo afarta dal ee ugu sarreeya heerka qiimaynta UEFA ee ku salaysan natiijada, ayaa waxay markasta CL ku yeelan doonaan 4 kooxood, taasoo ka bilaaban doonta fasal-ciyaareedka  2018.

Talyaaniga oo 4-aad haatan ku jira, ayaa tan kale aad uga fog dalka Faransiiska oo 5-aad ku jira oo ay u dhaxayso masaafo dhan 14,835 oo dhibcood, iyadoo qiimayntan la cusboonaysiiyay 25-ka Agoosto.

1. Spain, 90,284 (104,998)
2. Germany, 63,427 (79,498)
3. England, 63,176 (75,962)
4. Italy, 61,916 (73,332)
5. France, 47,081 (56,665)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close