Monaco oo ilaa haatan aan jawaab ka bixin dalabkii Liverpool ee Thomas Lemar

Lemar

(Liverpool) 30 Agoosto 2017 Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid ka quusanaysa saxiixa laacibka kooxda Monaco ee Thomas Lemar.

Liverpool ayaa u bandhigtay shalay kooxda reer France lacag dhan 80 milyan oo euro oo lagu daray Origi oo amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiraya si ay u fasaxaan Thomas Lemar.

Image result for Origi

L’Equipe iyo France Football ayaa siwada jir ah u baahiyay in kooxda Monaco ilaa haatan aysan wax jawaab ah ka bixin dalabka uga yimid Liverpool.

Kooxda tababare Klopp ayaa haysata maanta oo kaliya maadama Thomas Lemar aan loo ogolaan doonin inuu ka soo baxo xarunta xulka France maalinta barri ah oo ah waqtiga uu soo xirmayo suuqa kala iibsiga.

Aamusnaanta kooxda Monaco ayaa ka dhigaysa inaysan diyaar u ahayn in Thomas Lemar ay iska fasaxaan xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close