Liverpool oo soo afjartay xiisihii ay u qabtay Thomas Lemar waxayna xooga saarayaan oo kaliya Chamberlain

Image result for Chamberlain and Lemar

(Liverpool) 30 Agoosto 2017 Kooxda Liverpool ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay laacibka kooxda Monaco ee Thomas Lemar.

Liverpool ayaa hordhigtay kooxda Monaco dalab dhan 80 milyan oo euro iyo Origi oo ugu biiraya amaah hal xiliciyaareed ah, laakiin Monaco ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiso dalabkaas.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in maamulka Liverpool ay go’aansadeen inay isaga baxaan doonista laacibka, waxayna xooga saarayaan oo kaliya dhamaystirka saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain.

Liverpool ayaa aaminsan in Monaco ay sare u qaaday qiimaha laacibka kaas oo ay ku doonayaan adduun dhan 75 milyan oo Ginni.

Maamulka kooxda Liverpool ayaa rumaysan inaysan waqti u ahayn dhamaystirka heshiiska Lemar, waxayna haatan wadahadalo kula jiraan Arsenal si ay u dhameeyaan saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close