Shiikh Saalax oo loo magacaabay tababaraha xulka K/cagta gobolka Banaadir

(Muqdisho) 29 Agoosto 2017- Saalax Faarax Muxudin  (Sheekh Saalax) ayaa loo magacaabay macallinka xulka gobolka Banaadir,isagoo hoggaamin doono ciyaaraha maamul goboleedyada,  sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Isboortiga gobolka.

Shiikh Saalax ayaa ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan Soomaaliya, isagoo soo saaray xiddigo magac ku leh dalka,waxa uuna soo leyliyay kooxo waaweyn.

IMG_BD325B-E964DC-DB918F-13912D-35EF13-E9D51A

Macallin Saalax ayaa u soo ciyaaray Degmada Waaberi, kooxdii Hachs oo uu kula guuleystay  horyaalkii 28’aad iyo kooxdii Midnimo Fc.

Sidoo kale macallinka ayaa soo leyliyay Socomin,Bishaaro,Geska Afrika,Dahabshil,Fc Banaadir,Dekadda,Heegan,Saxafi iyo xulka qaran soomaaliya oo uu  mudo caawiye ahaa.

IMG_244530-839954-84A337-45887D-A77615-C18EEC

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close