RASMI: Monaco oo dhamaystirtay saxiixa Stevan Jovetic

(Monaco) 29 Agoosto 2017 Kooxda reer France ee AS Monaco ayaa dhamaystirtay saxiixa weerar yahankii Inter Milan ee Stevan Jovetic.

Monaco ayaa ku soo qaadatay Stevan Jovetic lacag dhan 11 milyan oo euro, wuxuuna qalinka ugu duugay heshiis 4-sano ah oo ku eg ilaa 2021.

27 jirka reer Montenegro ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee AS Monaco lambarkii Mbappe kaas oo amaah ugu biiraya PSG isla maanta.

Stevan Jovetic ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu u saxiixo kooxda tababare Leonardo Jardim oo xiliciyaareedkii hore ku guulaysatay horyaalka France.

Montenegro international Jovetic counts City, Fiorentina, Inter and Sevilla among his clubs

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close