Ousmane Dembele oo tababarkii ugu horeeyay la qaatay Barcelona (SAWIRRO)

(Barcelona) 29 Agoosto 2017 Saxiixa ku cusub kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa saaka markii ugu horaysay ka soo muuqday tababarka kooxdiisa.

Barcelona ayaa shalay saxaafada u soo bandhigtay laacibka reer France, kaas oo ay ku soo qaateen aduun dhan 150 milyan oo euro.

Ousmane Dembele iyo Rafinha oo kawada tirsan kooxda koowaad ee Barcelona ayaa saaka tababarka la qaatay ciyaartoyda Barcelona B maadama ciyaartoya kale ee kooxda looga yeeray xulalkooda.

Dembele ayaa kulankiisa ugu horeeya u safan doona Barcelona 9-September kulan ay soo dhawayn doonaan kooxda Espanyol.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close