”Ninkaygu wuxuu gooynayaa €250m” – Xaas ku faantey inay ninkeeda qiime ahaan dallacsiisay!

(Milano) 29 Agoosto 2017 – Xaaska Mauro Icardi, ee Wanda Nara, ayaa ku faantay inay odaygeeda oo ah qannaaska Inter Milan ay kasoo kaxaysay isagoo jooga €14m ilaa €250m.”

Gabaddhan oo sidoo kale ah wakiilka Icardi oo ay sanadkii hore noqotay ayaa qandaraas cusub kala xaajootey kooxda Nerazzurri.

Waxay la hadashay warsidaha reer Argentine ee Gente oo ay kala hadashay xiriirkooda, iyadoo ninkan uu uga horreeyay saaxiibkii ay Sampdoria mar wada joogeen ee Maxi Lopez.

“Waxaan ahay xaaska qura ee ninkeeda caawisa, Mauro wuxuu kasoo dallacay €14m isagoo haatan jooga €250.” ayay ku bilowday.

Laacibka ayaa si wanaagsan ku bilowday horyaalka Serie A-da Talyaani oo uu ilaa haatan 4 gool ka dhaliyay, taasoo qiimihiisa sare usii dhigaysa.

Icardi ayaa sidoo kale ugu dambayn loogu yeerey xulka qaranka Argentina, halkaasoo markii hore laga door bidi jirey qannaaska Juventus ee Gonzalo Higuain.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close