Liverpool iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa Karim Benzema

karim-benzema-real-madrid-borussia-dortmund-champions-league_mww7s5yw2v5m1c2n3393iuvu6

(Madrid) 29 Agoosto 2017 Kooxaha reer ingiriis ee Liverpool iyo Arsenal ayaa ku loolamaya saxiixa weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Waxaa Real Madrid ku soo wajahan dalabyo ka kala imaanaya Arsenal iyo Liverpool oo lagu doonayo Karim Benzema sida ay baahisay shabakada Don Balon.

Arsenal ayaa ka dhiganaysa Karim Benzema badalka Alexis Sanchez kaas oo ku sii jeeda kooxda tababare Pep Guardiola.

Liverpool ayaa dhankeeda u aragta Karim Benzema laacib xoojin kara booska weerarka ee kooxda, gaar ahaan haddii ay iska fasaxaan Coutinho.

Lama oga sida Real Madrid ay ku fasaxayso Karim Benzema xaggaagan, waxaana jira in kooxda reer Spain ay soo hordhigtay laacibka heshiis 2-sano oo dheeri ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close