Lambarkee ayuu Kylian Mbappe u xiran doonaa PSG???

mp

(Paris) 29 Agoosto 2017. Mbappe ayaa saakay PSG tijaabada caafimaad ugu maray xerada tababarka xulka Faransiiska.

Waxaa lagu wadaa inuu ugu biiro hal sano oo heshiis amaah ah ka hor inta uusan 166 milyan si toos ah ugu biiri xilli ciyaareedka soo socda.

PSG ayaa horey u jabisay rikoodhka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaddib markii ay 222 milyan oo euro kula wareegtay Neymar, iminkana waxay Mbappe ka dhigi doontaa da’yarkii ugu qaalisanaa ebid isla markaana ah laacibka labaad ee ugu qaalisan kubbada cagta.

Image result for Kylian Mbappe PSG No.7

Haddaba dhaliyaha reer France ayaa lagu wadaa inuu camaaliqada reer France u xirto No.7 oo uu iminka xirto Lucas Moura.

Wiilka reer Brazil ayaa lagu wadaa inuu isna ku biiro kooxdii uu ka soo tagay Mbappe ee Monaco maadaama uu qeyb ka yahay heshiis is dhaafsi labada dhinac ah.

Laakiin warar kale ayaa sheegaya inay jirto fursad uu 19-jirka reer France ku xiran karo No. 11 maadaama Angel Di Maria lala xiriirinayo kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close