Chelsea oo wada hadalo la furtay Mahrez iyo laacibka oo af cad ku sheegay inuu….

dddd

(London) 29 Agoosto 2017. Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa la sheegayaa inuu wada hadalo la yeeshay Riyad Mahrez ka hor inta uusan ka gudbin dalab dhan 46.5 milyan oo bound.

Mahrez ayaa isagu af cad ku sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu doonayo inuu xagaagan ka tago Leceister City si uu ugu soo laabto Champions League.

Laacibka reer Algeria ayaa horaantii suuqa xagaaga si xoogan lala xiriirinayay kooxda Roma laakiin camaliqada Serie A ayaa ku guul darrestay inay bixiyaan lacagaha ay Leicester ku doonayaan laacibka ku ciyaara lugta bidix.

Riyad ayaana iminka soo jiitay xiisaha kooxda xafidaneysa Premier League ee Chelsea sida ay warineyso Tribal Football.

Image result for Riyad Mahrez Chelsea

Macallinka Blues Antonio Conte ayaa la sheegay inuu wada hadalo la heeshay 26 jirka oo ku aadan sidii uu xagaaga ugu soo dhaqaaqi lahaa gegada Stamford Bridge.

Chelsea ayaa ula diyaar ah Mahrez adduun dhan 46.5 milyan oo bound kaa oo qudhiisa u furan inuu ku soo biiro kooxda reer London.

Mahrez ayaa Foxes u ciyaaray kulan kasta oo horyaalka kal ciyaareedkan isagoona sameeyay labo caawin ah.

Related image

Laakiin tababaraha Leicester City Craig Shakespeare ayaa ka warqaba in Mahrez uu doonayo inuu ku biiro mid ka mid ah 6-da sare ee horyaalka ka hor inta uusan xirmin suuqa.

“Wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro 6-da sare,” Shakespeare ayaa sidaa yiri.

“Haddii aanan helin dalab ka yimaada lixda sare wuu joogayaa.

“Haddii uu dalabkaa yimaado misane uusan nagu filnaan wuu joogayaa, way ii cadahay aniga waqti xaadirkan, warbixintaa ayuu sameeyay laakiin waa ciyaaryahankeena.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close