Xaqiiqda dalabka Man United ay ka gudbisay Gareth Bale

Image result for Bale Man United

(Manchester) 28 Agoosto 2017 Waxaa soo baxay warar sheegaya in Man United ay dalab rasmi ah ka gudbisay laacibka Real Madrid ee Gareth Bale.

Daily Star ayaa daaha ka qaaday in Man United ay hor dhigtay Real Madrid lacag dhan 105 milyan oo euro si ay u hesho laacibka reer Wales ee Bale.

Laakiin wariyaha Sky Sports qayta Spain ee Guillem Balague ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuusan jirin dalab ka yimid United oo ay ka soo gudbiyeen Bale.

Wuxuuna intaa ku daray in Gareth Bale uusan meel uga socon Real Madrid suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

“Alla maxaa wax qashin ah laga yiri arinka Bale iyo Manchester United” ayuu Guillem Balague ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

“Ma jirto meel uu aadayo xaggaagan, mana jiro dalab isaga laga soo gudbiyay” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close