Philippe Coutinho wuxuu ku biirayaa Barcelona xaggaagan (beIN SPORTS)

cou

(Barcelona) 28 Agoosto 2017 Kanaalka reer Carbeed ee beIN SPORTS ayaa baahiyay in Philippe Coutinho uu ku biirayo Barcelona maalmaha ka harsan suuqa.

Ilawareedyada beIN SPORTS ayaa ogaaday in Coutinho uu noqonayo laacib ka tirsan Barcelona ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xaggaagan.

Barcelona ayaa isku dayday saxiixa Coutinho tan iyo markii uu kooxda ka tagay Neymar kaas oo ku biiray PSG.

Liverpool ayaana u muuqata haatan mid ka soo dabacday go’aankeedii ahaa in Coutinho uusan iib ahayn.

Waxaana la ogsoonyahay in laacibka reer Brazil uu ku cadaadinayo kooxdiisa sidii looga iibin lahaa Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close