Inter waxa ay wadahadllo Spurs kala furtay Sissoko

Sissoko

(Milan) 28 Agoosto 2017. Inter Milan ayaa lagu soo warraayaa in ay wadahadallo kala furtay Tottenham saxiixa Moussa Sissoko.

Sida laga soo xiganayo Calciomercato.com and Gianluca Di Marzio   Website-kiisa, agaasimeyaasha Inter, Piero Ausilio iyo Walter Sabatini labaduba waxa ay daneenayaan Sissoko.

Hase ahaatee, marka hore waxa ay rabaan in ay Tottenham uga qaataan olole amaah ah oo heshiiska lagu daro xulasho lagu iibsan karo.

Nerazzurri waxa ay xagaagii hore isku dayday saxiixa 28 jirka balse ugu dambeyn waxa ay u weecatay Joao Mario.

Dhinaca kale Sissoko, waxaa ku adkaatay in uu boos joogta ah ka helo Spurs.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close