DEG DEG: Liverpool oo gacanta ku soo dhigtay Naby Keita

(Liverpool) 28 Agoosto 2017 Kooxda Liverpool ayaa gacanta ku soo dhigtay Naby Keita oo ay aad u baadi goobaysay tan iyo bilowgii xaggaagan.

Express ayaa baahisay in Liverpool ay miiska saartay qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Naby Keita ee kooxda RB Leipzig kaas oo ah 48 milyan oo Ginni.

Naby Keita ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Liverpool maanta laakiin wuxuu kooxda ku soo biirayaa xiliciyaareedka dambe ee 2018/2019.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Naby Keita uuba saaka ka gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Liverpool.

Laakiin fursad uma heli doono in xiliciyaareed kaan uu ka soo muuqdo garoonka Anfield.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close