DEG DEG: Chelsea oo Arsenal kala heshiisay Qiimaha Alex Oxlade-Chamberlain

Image result for Chamberlain Chelsea

(London) 28 Agoosto 2017 Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa ka heshiiyay saxiixa laacibka garabka weerarka ka ciyaara ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Dhamaan saxaafada dalka ingiriiska ayaa siwada jir ah u baahiyay in Chelsea ay kala heshiisay Arsenal qiimaha 24 jirka reer ingiriis.

Arsenal ayaa aqbashay lacag dhan 35 milyan oo Ginni si laacibkeeda Alex Oxlade-Chamberlain uu ugu dhaqaaqo galbeedka London.

Waxaana harsan oo kaliya in laacibku uu maro tijaabada caafimaadka iyo inuu qalinka ku duugo heshiiska.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa noqonaya saxiixii 5-aad ee Blues ay samayso suuqa kala iibsiga ee xaggaagan kadib Willy Caballero, Antonio Rudiger, Tiemoue Bakayoko iyo Alvaro Morata.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close