DEG DEG: Borussia Dortmund oo durba gacanta ku soo dhigtay badelka Ousmane Dembele

arr

(Dortmund) 28 Agoosto 2017. Borussia Dortmund ayaa suuqa la soo gashay lacagihii badnaa ay Ousmane Dambele kaga iibiyeen kooxda Barcelona 138 milyan oo bound.

Waxay durba la soo wareegeen xiddiga garabka weerarka kaga ciyaara naadiga Dynamo Kiev ee Andriy Yarmolenko.

27-jirka reer Ukraine ayaa la aaminsan yahay inuu kooxda reer Germany ugu soo biiray adduun dhan 23 milyan oo bound.

Yarmolenko ayaa kooxdiisa cusub u xiran doona Lambarka 9-aad wuxuuna qallinka ku duugay heshiis afar sano ah.

“Waxaan aad uga mahad naqayaa in Dynamo Kiev ay ii rumeysay riyadeyda inaan ku biiro koox wayn oo ka dhisan Yurub,” Andriy Yarmolenko ayaa sidaa yiri.

“Si adag Ayaan tababar kasta uga shaqeyn doonaa si aan u caawiyo BVB inay gaarto heerkeedii ugu sarreeyay ee goolasha taasi waa waxa aan markasta sameeyo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close