Barcelona oo soo bandhigtay Ousmane Dembele (SAWIRRO)

(Barcelona) 28 Agoosto 2017 Barcelona ayaa taageerayaasheeda u soo bandhigtay saxiixooda ugu qaalisan aduunka ee Ousmane Dembele.

Laacibka reer France ayaa soo gaaray Camp Nou shalay, saaka ayuuna si buuxda uga gudbay tijaabada caafimaadka.

Ousmane Dembele ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa cusub heshiis 5-sano ah, waxaana loo xiray lambarkii uu ka tagay Neymar ee “11”.

Kumanaan taageerayaasha kooxda ah ayaa ka soo qayb galay soo bandhigida Ousmane Dembele kuwaas oo wajigooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsanyihiin saxiixooda cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close