Alvaro Morata oo durba Taariikh cusub u dhigay Premier League

mora

(London) 28 Agoosto 2017. Dhaliyaha cusub ee Chelsea Avlaro Morata ayaa durba Taariikh cusub u dhigay Premier League kaddib goolkii uu shalay ka dhaliyay kooxda Everton kulan ay uga adkaadeen 2-0.

Kubbad la soo karoosay ayuu madaxa ku dhaliyay Morata qeybtii hore ee ciyaarta taa oo ka dhigan inuu goolkiisii labaad ku dhaliyay Stamford Bridge waxaa kaloo xusid mudan inuu caawiye ka ahaa goolkii Fabregas ee isla kulanka.

Moratta ayaa sidaa ku noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda Premier League oo labadiisa kulan ee ugu horreeya garoonka kooxdiisa cusub ku dhaliya labo gool isla markaana caawiya labo kale.

24-jirka ayaa sidoo kale gool dhaliyay midkalena caawiyay kulankii furitaanka Premir League ay Chelsea guul darrada kala kulantay Burnley FC iyadoo waliba ku ciyaareysa Mininkeeda Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close