Alexis Sanchez oo dalab bixitaan ah u gudbiyay Arsenal iyo kooxda oo beenisay warkaas

Sanchez

(London) 28 Agoosto 2017 Alexis Sanchez ayaa u gudbiyay kooxdiisa Arsenal warqad uu ku codsanayo in la fasaxo sida ay baahisay The Independent.

Qandaraaska laacibka waxaa ka harsan kaliya wax ka yar 12-bilood, wuxuuna doonayaa inuu ka tago xaggaagan si uu ugu biiro Manchester City.

Saacadihii u danbeeyay ayaa la baahiyay in laacibka reer Chile uu u gudbiyay Arsenal dalab uu ku doonayo in la fasaxo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa beenisay warka lagu daabacay The Independent, waxayna sheegeen in laacibku uusan u soo gudbin dalab bixitaan ah.

Alexis Sanchez ayaa wajigiisa laga dheehan karay sida uusan ugu qanacsanayn kooxda Arsenal kulankii ay guul daradu ka soo gaartay Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close