Wenger oo 2-daqiiqo kadib isaga baxay shirkii jaraa’id ee uu qabanayay, muxuuse yiri?

(London) 27 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa isaga baxay holkii uu ku qabanayay shirka jaraa’id ee kadib guul daradii ka soo gaartay Liverpool.

Wenger waxay ku qaadatay kaliya 2-daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi inuu soo  hor istaago saxafiyiinta isaga oo kadib isaga baxay hoolkii shirarka.

Tababaraha reer France oo ka hadlay guul daradii soo gaartay ayaa yiri:

“Wuxuu ahaa qaab ciyaareed niyad jab leh, haa waxay ahayd lama filaan laakiin qaab ciyaareedkeena maanta wuxuu ahaa mid musiibo ah”.

“Ma ahan wax la aqbali karo, waxaan u ahayn Liverpool koox sahlan, waxaa jira sababo ka danbeeyay guul daradaan, waa inaan falanqaynaa taas, dareenku waa mid aad u liita”.

Wenger oo ka hadlay dalabka taageerayaasha oo ah inuu iska baxo ayaa yiri:

“Haddii dhibaatadu ay aniga tahay waan ka xumahay, waxaan doonaynaa in taageerayaashu ay nagarab siiyaan xitaa qaab ciyaareedkeenu haddii uu sidaan yahay”.

“Waa sidaas dareenka taageerayaasha, waxaan rumaysanahay in waqtiga guul darada ay fiicantahay inaan isgarab siino, waxaa haboon taageerayaashu inay nagarab istaagaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close