SAWIRRO XUL AH: Ousmane Dembele oo soo gaaray Camp Nou, muxuuse ka yiri ku biiridiisa Barcelona?

(Barcelona) 27 Agoosto 2017 Weerar yahanka cusub ee Barcelona ayaa soo gaaray garoonka kooxdiisa kadib markii laba maalin ka hor kooxdu ay shaacisay heshiiskiisa.

Barcelona ayaa lacag rikoor ah kula soo wareegtay laacibka reer France kaas oo noqday laacibka labaad ee ugu qaalisan aduunka kadib Neymar.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay joogitaankeyga halkaan, riyadaydu marwalba waxay ahayd u ciyaarida Barcelona” ayuu u sheegay TV-ga Barca.

“Haatan halkaan ayaan joogaa, waan faraxsanahay waayo waxaa xaqiiq ii noqday riyadayda, waa riyo inaan ka mid ahaado kooxda ugu fiican aduunka”.

“U ciyaarida Barcelona waxay ahayd riyadayda tan iyo markii aan yaraa, yoolkeygu waa inaan kooxdaan u sameeyo wax walba oo karaankeyga ah iyo inaan awood u helo inaan fahmo asxaabteyda kooxda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close